U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Deegaanka Weedow Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax la sheegay in loo adeegsaday gaari ayaa deegaanka Weedow ee magaalada Muqdisho waxaa lagula eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM.

Goob jooge ayaa sheegay in gaari NOAH ah uu ku qaraxday halkaasi, waxaana jira khasaare kala duwan.

Ugu yaraan Hal qof ayaa ku dhintey qaraxan, waxaana ku dhaawacmay Labo kale, sidey Goobjoog News u sheegeen dad ka dhow halka qaraxan uu ka dhacay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dadka waxyeellada soo gaartay qaarkood ay saarnaayeen gaadiid shacab ah oo halkaasi marayey, halka kuwa kalena ay meesha ka dhowaayeen.

Lama oga inuu jiro khasaare kasoo gaaray ciidankii AMISOM ee halkaasi marayey iyo in kale.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray deegaanka Weedow, waxaana socda baaritaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoo News