U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax Miino, kaasi oo khasaare geystay.

Wararka qaar waxay sheegayaan in qaraxan uu ku aasnaa dhabarka dambe ee saldhigga Booliiska Kismaayo, waxaana halkaasi ku dhintay Hal qof oo la xaqiijiyey inuu yahay askari, halka in ka badan 5 ruux ay halkaasi ku dhaawacmeen.

Khasaaraha ayaa intaasi ka badan karo, mana jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha amniga Kismaayo kabixiyeen qaraxan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News