Qaraxii Zoobe: 35 Qof Oo Weli Dhaawac Ahaan U Jiifa Isbitaallada Muqdisho
In kasta oo dowladda federaalka ah ay 3 maalmood ka hor sheegtay in 7 qof oo dhaawac ah ay ku hareen Isbitaallada magaalada Muqdiso marka laga hadlaayo qaraxii isgoyska Zoobe, Goobjoog News ayaa soo ogaatay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxi 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ay weli u jiifan Isbitaallada dhawacyadii soo gaaray.
Dhawacyada ugu badan dadkaasi waxaa ay yalaan isbitaalka Madiina kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya 17 qof, waxaana weli ay u bahan yihiin in ay helaan adeeg caafimaad maadama ay qabaan dhawacyo kala duwan oo ka soo gaaray qaraxii isgooska Zoobe sida ay noo xaqiijieen saraakisha cafimaadka ee isbitalkaasi .
Isbitaalka Erdogan(EX Digfeer) ayaa sidoo kale ka mid ah Isbitaallada weli jiifaan dhaawacyada qaraxii isgoyska Zoobe, illaa 16 ayaa jiifa sida maamulka isbitalkaasi uu u sheegay Goobjoog .
Sidoo kale isbitaalka Somali Sudanes ayaa waxaa ku jira 2 ka mid ah dadki dhawacada ay kasoo gareen qaraxii soobe, waxaa kale oo jira Isbitaallo kale oo horay dhaawacyada loo geeyay balse aanan tagin.
Isku geynta dadkan aan maanta ku soo aragnay 3daas Isbitaal waa 35 qof oo dhaawac ah, taasi waxaa ay ka dhigantahay in aysan sax ahayn tiro uu dhawaan soo bandhigay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan(Yarisow) oo uu ku sheegay inay dad aan ka badneed 7 qof oo dhaawac ah ay jifaan isbitaalada magaalada Muqdisho.
Waxaa kale oo jira dad badan oo laga saray isbtaalada inkasta oo weli ay adeg caafimaad u soo doontaan isbitaalada oo ay u socoto dhaymo.
Goobjoog News