U bood dhigaalka

Qarni Cusub Iyo Qiiro Qabiil-Maaxi

Sheeko:War

“Masiibada qabiilkaa dhacdoo weli la soo moodin markalena markii 

kale ka daran, majo bararna waa laga dhaxlay iyo mooryaan ”

Waxaa ila haboon inaan marka hore qeexo mawduuca aan ka hadleyo iyo inaanu mugdiga ka saaro ereyo dhawr ah oo dadka qaarkii marar badan isku murgiyo macnahooda. Aanu isweydiinee Waa maxay qabiilWaa maxay qabyaaladdu?  Markaa kuwaa u helno macno ayaan dhex geli karnaa mawduuceena

Waa maxay qabiil

Qabiilku waa koox bulsheed ka kooban jilibo iyo qoysas ka sameeysmay jiilal kala duwan.

Culimada cilmiga dadka waxey ku qeexaan qabiilku inuu yahay isu-taga xaymo dad ah oo wadaaga af, caado, dhaqan iyo dhul gooniya kaasoo ka soocaya qolooyinka kale halka aay dadyowga ilbaxay mabaadi`ida danahooda ku saleeysan aay isku hayaan kooxaha.

Waxaa laysku raacsan yahay hanaankii qolooyinku inay si aada uga cirib tirmayaan meeraha dhulka, ilbaxnimada ayaana ku qaaday dagaal xoog leh oo meel mara. Hadii xitaa meelo aduunka ka mid ah aay ku hareen waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay meel aduunka aad uga danbeeyso.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa leysku raacsan yahay qabiiku inuu yahay nidaam bulsheed ka mida heerarka taxanaha ahaa ee tariikhdu ka soo gudubtey.

Waa maxay qabyaalad?

Waxaa lagu qeexi karaa dhowr siyaabood oo kala duwan waa mida koowaadee Qabyaaladu………

Waa qaaxo iyo kaan karo iyo aydis qaab darane

Waa waxeey iblis iyo fircoon ku inbtiloobeene

Waa cudurka qaybaha bulshada qaran ku waayeene

Waa quuqan iyo sixir qalbiga qaaciyo shidaaye

Waa qaabo qowseen dagaal qac iyo Yaahoo`e

Waa waxa qoxooti ka dhigay boqolaalku oo qoyse

Waa bukaan cafimaad ka ordaayoo cudur u boodaayo

Waa[2] sanam qabyaaladuye hadaad igu qanceeysaane

Waa qabiil qaran badelay, qoray helay oo nakala

qaybshay oo aan wax noo qaban yaa qubaayo dhiigeena

qalbigiina ka ilaashada oo wadajir qiimeeya oo ilmaha yaan la qabadsiin

Qabyaalad[3] waa dareen qolonimo iyo u daacad ahaansho ka sad-bursiga iyo dulmiga dadka intiisa kale……. Hadii si kale loo yiraahdo  qabyaaladdu waa lahaansho cadiifad ku saleeysan magac qabiilka taasoo aan jirteen hadii qofku uu ku xisaabtamaayo faaa`iidada iyo qasaaraha ugu jira fal kasta uu ku kaacyo asagoo meel iska dhigaayo cadiifada  oo caqliga ku tiirsanaayo.

Waxaan ku soo koobi karnaa qabyaaladdu iney  u dhega nugushahay xumaanta oo aanay wanaaga maqlin, iyo iney indho la`dahay, taas waxaa u sii dheer iyadoo qabyaaladdu samaysmata  marka xumaati jirto oo dadka mideeysa oo isu keenta, marka colaadaa dibada ka timidna dhamaato qabiilku wuu kala baxaa oo isagaa dhexdiisa isa sii colaadiya.

Abuuritaanka qofka lagu abuuro cadiifada lahaanshada qabyaalada ayaa waxay bilaabataa marka uu ilmaha Soomaaliga ahi qiyaastii seddex sano jiro, markasoo lagu bilaabo in la baro taxanaha magacyo laga bilaabay magaciisa ilaa labaatan ama soddon magac oo midba mid dhalay, lana yiraahdo. Abtirso ilaa hada cidna isma weydiin ilmaha yar maskaxdiisu soo koreyso ee u baahan in la baro waxyaabo anfaca oo maxaa loogu horeeysiiyey taxanaha magacyadaas aanu wareerka meehee wax kale laga heleyn.

Waxaaba taas ka sii daran magacyadaa la taxo qofka ugu tirsiga dheer waxaa la yiraahdaa

LAAN DHEERE waana darajada ugu sareysa ee qabyaalddu bixiso. Talaabada kale ee la qaado si maskaxda cusub loogu talaalo geedka qabyaaladda ayaa waxay tahay in la`aamaano qoladiina lana dhaliilo qolooyinka kale si maskaxdaasi ay diyaar ugu noqoto u hogaansanaanta aragtida dadka magaca qabiilka adeegsada.

Qabyaaladdu waa mada`a keliya ee kala bara dadka islamarkaasna aanan aqoonsaneyn jiritaanka haweenka. Dastuurka qabyaalada ah ee Soomaalidu ma aqoonsana jiritaanka haweenka Soomaaliyeed oo aay ku jirto hooyadaa gacaliso,walaashaada aad jeceshahay, xaaskaada aad nafta qaybsataan iyo gabartaadanaxariista badan hadii aad nin tahay hadii aad dumartayahna adiga ayeyna ku aqoonsaneyn dastuurka qabyaaladdu waayo?

Marka tiro la sheegaayo waxaa la yiraahdaa intaas oo nin baa hebel ka tafiirmatay, lakiin lama sheego haweenka; waayo maxeey galabsadeen? maxeeyse kaga duwan yihiin  wagii casri jaahiliga ee carabtu gabdhahooda xabaali jirey maadaama haweenkeenu oo nool aynu dafirsanahay inkirsanaha jiritaankooda.

Yaa abuura qabyaaladda xumaanteeda? 

Mar hadii aaynu isla garanay in qabyaaladdu ay tayahay cadiifad dhalanteed ah. Hadaba su`aasha waxay tahay Yaa abuura?  Yaa adeegsada? Maxaa lagu falaa? Yey wax u tartaa qabyaaladdu?.

Baaritaan iyo u kuurgal lagu sameeyey in la ogaado kuwa ay yihiin dadka qabyaaladda isticmaala ama abuuraa aayaa lagu ogaaday arimaha soo socdo:

kow qabyaaladda caadifadeeda waxaa abuura qof aan lahayn

  • Aqoon
  • Farsamo
  • Karti
  • Kalsooni iyoDadnimo uu kaga qeyb qaato tartanka nolasha,

Taasoo u sahlisa inuu ku dhuunto humaagii dhalanteedka ahaa aynu soo sheegnay. Dadka xirfadaha sarre leh ayaa ugu qabyaalad yar dadka Soomaaliyeed. Waayo? Wexey og yihiin ineey xirfadahoodu ku meel mari karaan.Si aad u xaqiijiso iney abuuraan kuwa ka gaabiyey geedi socodka nolosha,

Abuuritaanka iyo abaabulka cadiifada qabyaaladda waxaa iyana loo aanaynayaa dadka ka gaabiyey hayaanka nolosha iyo kuwa ka saaqidey ama ka dhacay imtixaanka tartanka jagooyinka banaan ee nolosha. Kuwaasoo u arka sida kaliya ee ay ku noolaan karaan iney tahay ku dhuumashada humaaga dhalanteedka ah ee qabyaalada ee aan lagaranay bar-bilaw iyo bar-dhamaadkiisa.

Waxaa kale oo iyana abuura kuwa danbiyada geysta ee doonaya inay ka dhigtaan gabood laga hoos galo sharciga waxaaney dadkaasi wadankeena ku bateen sanadihii ugu danbeeyey ee ay sii tukubeeysey dawladii la riday iyo waqtigaan faro-ka baxa ah ( dawlad la`aanta.)

Diinta islaamka maxeey ka tiri qabyaalada iyo qabiilka 

Diinta islaamku waxay qabyaalddu u bixisaybo ”Casabiya jaahiliya”

Alle weyne kor ahaayey wuxuu  quraankiisa kariimka ku yiri:

”Dadoow waxaan idiinka abuuray lab iyo dhidig, waxaana idiinka yeelnay shucuub iyo qabiilo si aad isugu aqoonsataan, ruuxiise ugu sharaf badan Eebe agtiisa waa kan idiinku dhawrsasho badann Eebe wax walbo waa ogyahay49:13

 

Aayadaas quraanka ahi waxay inoo sheegeysaa ujeedada keliya ee dadka qabiilooyin iyo shucuub magacyo kaliya looga dhigay iney tahay aqoonsi aay isku aqoonsadaan oo kali ah. Isla aayada qeebteeda danbe Ilaaheeysw waxaa uu ku cadeeynayaa in qofka magacyadiisa iyo abtersiimadiisa inaanay qofna siineeynin darajo iyo sumacad midnaba ee sharftu Ilaaheeysw agtiisa waxey ku xiran tahay camalka qofka sameeya taasoo digniin u ah dadka si ay isaga ilaaliyaan is-xaqiraada iyo is-weyneynta magaca qabiilka ku dhisan taas oo hoos galeyso qeexida qabyaaladda ee ahayd ka sad-bursiga dadka intiisa kale.

Hadaba aniga waxaa ila quman oo ila haboon in lakala saaro qabiil iyo qabyaalad qabiilku waa nidaam bulsheed uu Illaaheeysw inoo jideeyey, waana inaan u  argnaa ururo rabaani ah oo looqeybiyey shacabka,islamarkaasna laysku aqoonsado.

Waxaa ila wanaagasan in qabiilka loo sameeyo xeerar qoran oo cad cad kaasoo tilmaamaya ujeedooyinkiisa, waajibaadkiisa iyo waxqabadkiisa isla markaana ku tiirsanado shareecada islaamka iyo xeerarka wanaagsan oo la xiriira kan aay ummadu leedahay.

markii loo sameeyo qabiilka nidaam cad ama lagu hago dariiq fiican, hadii uu keeno iska hor imaad weey fududaanaysaa in lala xisaabtamo. Sideedaba harqaanluhu qofkastaa cabirkiisa ayuu dharka u tolaa, hadaba shacabka soomaaliyeed waa in loo helaa nidaam ka taliya aayatiinkooda, hadii kale waxaa dhaceeysa dhar aaysan lahayn in ummada soomaaliyeed lagu dirqiyo taasoo keeneeysa fadeexad iyo qaawanaan.Maki xaaji banaadir wuxuu murti uu ka tiriyey in soomaalidu mid tahay ayuu yiri

Heerka aan cadaalada iyo qabyaalada aan ka taaganahay hadaan soomaali nahay waxaa tusaale u soo qaadan karnaa kaba dhig in qoraxda iyo dayaxa ka mid yihiin qabiilada soomaaliya qofna la qabiil tahay qoraxda, qofna Dayaxa waxaa hubanti ahaan lahayd hadii la waydiiyo Qoraxda iyo Dayaxa keebaa iftiin badan waxaa la hubaa ki dayaxa la qabiilka ahaa dhihi lahaa Dayaxa ayaa Iftiin badan heerkaas ayaan ka taagannahay qabyaalada

Sideedaba cid dooratay ma jirto ineey noqoto qabiil HEBEL inuu noqdo mase ogtihiin soomaliyeey in qabiilka la yiriaah HEBEL leeyahay ee uu ka kooban yahay caruur, ciroole, culima udiin, aqoonyahan, curyaan iyo wax alaale iyo waxay dad qabiil ama beel ah lee yihiin. Mida kale markuu Ilaaheey soomaaliya dal la dhaho soomaaliya sameeynaayey wuxuu bartamaha u dhigay ee uu ugu talo galay qabiilada soomaaliya inuu qabiil HEBEL ka mid ahaado. Marka hadaad nacdo karaahyeysato dadkaas soomaaliyeed ee sharafta leh waa adigoo Ilaaheey eed iyo danbi wayn ka galay Macnah dhabta ah ee meesha ku jirtaa waxeey tahay qabiilkaas HEBEL hadii la waayo- soomaaliyana waa la waayey oo ma ay jireeyso! Sababtoo ah Ilaaheey oo isaga ah midka talada iska leh iyo dunida sida aay noqoneeyso ayaaba sidaa ugu talo galay.Qofkasto oo soomaaliyeed oo dalkiisa iyo ummadiisa jecelna waxaa qasab ku ah inuu jeclaado walaalkiis ama walaashiis Qabiilka HEBEL.

Qabiilka HEBEL la dhaho ee soomaaliyeed qofka dhibaato ama xumaato u niyeysta waa qof cado u ah ummada iyo dalka soomaaliyeed.

Qofkaas soow maha qof Ilaaheey barnaamijkiisii ka hor yimid? Sidee baadse u nici kartaa dadkaaga Soomaliyeed in ka mid ah oo ka tirsan in kalena u jeclaan kartaa?

Qabiil hebel maaliny´tii la waayo soomaalina waa la waayeyaa sababtoo ah dadkaasi waa qayb ka tirsan ummada soomaaliyeed oo waayistooda waa wayista Soomaaliyeed.

Qabiilka waa aqoonsi wuxuuse soomaaliya ka yhay xitaa adresska qofka.

Dunida horumartay waxaad maqli hebel (faarax) oo degen jidka hebel xaafad heblaayo, dalka hebel. Soomaaliyana mararka qaar waxaad maqli jirtay qof leh waxaan waraaq ama cajalada u wadaa hebel oo qoloheblaayo ah ee yaa yaqaana?waxaad isla markiiba fahmeeysaa iney qabyaaladu tahay cinwaan (adress) aay isticmaalaan dadka cilmiga baran oo aqoon haba yaraatee lahayn waxna aqriyin waxna qorin kana yimaada baadiyaha iyo qurbaha

Maadaama hada aduunka horay u maray lahaelay taleefoono adareesyo jidad fududeeya howlahaas aqoontiina aad moodo ineey sii kordheeyso waxaa haboon in laga gudbo arimahaas.

Qabyaaladu faa`iido ma leedahay? 

Qabyaaladu faa`iido aay leedahay ma jirtaa? Waa su`aal u baahan in lays waydiiyo balse adigoon jawaabta meel dheer ka doonin Haa, lee isticmaal oo qabyaalada faa`iidadeeda waxeey tahay wax walbo oo aduunka jiro sun xitaa Allaha ka dhigee dhinac faa`iido ah ayey leedahay. hadaad maanta khasaarto, faa iidada aad ka heleeyso khasaarahaas waxaa la yiraahdaa “KHIBRAD”

waxeeyse faa`iido u leedahay jiilka dambe ee soo koraayo Inagii ku gubanayee yeysan ubadkaas soo koraayo ku guban.

Allaa wax og!

Yaasiin Maaxi Macalin

[email protected]

www.ssup.so

yassinmahimallin.com

……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………

FG: Yaasiin Maaxi Macalin Waa Qoraa madax bannaan Somali iyo Swedish ah, turjumay 4 buug islamarkaana qoray 5 buug. Buugiisii ugu danbeeyey ee Hamigii Hayaankeeygii iyo riyadii Hooyo oo rumoowday oo goordhow soo bixi doono , Yaasiin Maaxi waa aasaasaha iyo Gudoomiya Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed SSUP una sharaxan tartanka Madaxtinimada Dawlada Federalka Soomaaliya 2016. Qoraaga waxaa lagala xiriiri karaa [email protected]