U bood dhigaalka

Qarxii Zoobe: Meydad Hor Leh Oo Lasoo Saaray

Sheeko:Dalka

Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News ayaa gaaray halkii shalay uu ka dhacay qaraxii xooganaa ee Ismiiidaaminta ahaa, waxaana la soo sheegayaa in la helay meydad hor leh.

Dhismayaasha burburka uu soo gaaray ayaa waxaa laga soo hoos bixiyey meydadka dhowr qof oo aan la garan, waxaana sidoo kale jira hilbo meello kala duwan laga soo guray.

Shacab aad u badan, isagana kala yimid degmooyinka Muqdisho ayaa ku sugan halka qaraxa uu ka dhacay.

Dadka ku dhintey qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho waxaa ku dhintey in ka badan 50 qof oo shacab ah, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News