U bood dhigaalka

Qatar Airways Oo Markii Dalalka Qaar Go’doomiyeen Hawo Ka Heshay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Hey’adda socdaalka Soomaaliya waxaa ay sheegtay in diyaaradda Qatar Airways ay illaa 15 jeer isticmaashay hawada Soomaaliya tan iyo markii dalalka Carabta ay xiriirka u jareen.

Sarkaal ka tirsan hey’adda Socdaalka oo AP la hadlay, isla markaana la sheegay in uu magaciisa ka gaabsaday ayaa waxaa uu intaa ku daray in inta wadamada Khaliijka aaney xiriirka u jarin dalka Qatar ay Qatar Airways hawada Soomaaliya isticmaali jirtay   1 ilaa 2 jeer oo keliya maalintii.

Dalalka Saudi Arabia, Egypt, Bahrain iyo United Arab Emirates ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Qatar, iyaga oo ka xirtay hawada, dhulka iyo badda, taa badalkeeda Qatar waxaa ay hawo ka heshay dhanka Soomaaliya.

Goobjoog News