U bood dhigaalka

Qatar Iyo Qaramada Midoobay Oo Iska Kaashanayo La Dagaalanka Argigixisada

Sheeko:Dalka

Safiirka dowladda Qatar u fadhiya qaramada midoobay Marwo Cilyaa Axmed Binu Seyf Aala Thaani  ayaa sheegtay in Qatar iyo qaramada midoobay ay iska kaa shanayaan la dagaalanka argigixisada iyo in la joojiyo maalgalintooda.

Hadalkaan ayaa yimid ka dib markii uu dhacay fadhi ay qabatay jamciyadda guud ee qaramada midoobay kaasi oo looga arrinsanayay sidii loo xoojin lahaa ururada caalamiga ah si ay u fuliyaan istiraatiijiyaddooda ladagaalanka arrgigixisada.

Dhanka kale Sheikh Seyf  Binu Axmed  oo ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda Qatar ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatada ka jirka Khaliijka  ay kacday sabab la’aan, ka dibna dowladaha Qatar go’doomiyay ay ku marmarsiyoodeen argigixiso, sheikha ayaa sheegay in la dagaalanka argigixisada ay tahay arrin muhiim ah.

Goobjoog News