U bood dhigaalka

Qatar Oo Ka Walaacsan Amniga Muwaadiniinteeda Inta Ay Gudanayaan Acmaasha Xajka

Sheeko:Dalka

Dowladda Qatar ayaa waxay walaac ka muujisay nabadgalyada muwaadiniinteeda inta ay ku suganyihiin Sacuudi Carabiya oo ay gudanayaan acmaasha Xajka,ka dib markii la isku furay xadka labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Sheekh Maxamed Binu Cabdi Raxmaan ayaa waxaa uu sheegay in wax su’aalo ah aysan ku soo celinin Sacuudiga wasaaradda owqaafta iyo arrimaha diinta Qatar si loo ogaado amniga muwaadiniinta reer Qatar inta ay gudanayaan acmaasha.

Hadalkaan ayaa waxaa uu imaanayaa iyada oo maalin ka hor uu Sacuudiga sheegay in muwaadiniinta u dhalatay Qatar ay diyaarado soo qaada ay u diri doonaan, ilaa iyo hadda muwaadiniinta u dhalatay Qatar oo ka gudbay xadka labada dal ayaa waxay ka badanyihiin boqol qof.