U bood dhigaalka

Qawaaniinta Ugu Yaabka Badan Dunida, Qaarkood Dameerka Ayaa Loo Asteeyay, Halka Kuwo Kalena Geerida ka dib Loogu Talogalay

Sheeko:War

Waxaa jira dunida qawaaniin ay dalalka dunidu leeyihiin oo agteenna yaab ka noqonaya, laakiin ay hubaal tahay inuu jiro sababo ka dambeeya oo keenay, marka aad akhrineyso waxaa suurogal ah inaad ka shakiso amaba aad is tiraahdo malaa wax jira maaha, waxaadse ogaataa in laga soo uruuriyay ilo lagu kalsoon yahay.

1-  Kuuriyada Waqooyi: Xukuumadda ayaa Kuu Sheegaysa Qaabka aad Tinta U jaraneyso.

-Kuuriyada Waqooyi ayaa ah dowladda ugu badan ee qawaantiina la yaabka leh ay ka jiraan, tusaale ahaan:

– Cidkale gaari ma yeelan karto, qof shaqaale dowladeed ah amaba ciidanka dowladda u shaqeeya mooyaane.

-Qofna xaq uma laha inuu tintiisa sida uu doono uu u jarto, waxaad timaaha u goosan karta sida sharciga ah ee xukuumaddu ogoshahay oo qura.

-Haddii shakhsi uu dambi galo, qoyskiisa oo dhan ayaa u qoollan ciqaabtana la qeybsanay.

-Waxaa la ogolyahay Saddex Telefishin oo kaliya oo ku hadla codka xukuumadda, ruwaayad kasta iyo heeskasta oo aan ammaan dowaldeed ku jirin lama ogola, ciddii soo qabanqaabisana arrinkaa waa lagu maxkamadeynayaa.

-In internet-ka la galo waa mamnuuc uu qaanuunku ogoleyn, waxaa adeegsan kara oo qura ciidanka iyo qoysaskooda, iyo ardayda dhigata jaamacado goonni ah oo si gaar ah loosoo xulay, qalabka Computer-da Kuuriya waqooyi kuma shaqeeyaan nidaama Widows-ka ee ay ku shaqeeyaan Computer-da aan adeegsanno, waxayse ku shaqeeyaan nidaam ay Kuuriya iyadu sameysay oo gaar u ah loona yaqaanno “Red star Korea”.

-Qofka dalxiiska ah ee booqda K/Waqooyi waxaa la raacinayaa shaqaale dowladeed oo tillaabo tillaabo ula soconaya kolba waxa uu qabanayo, haddii uu xitaa doonayo inuu sawir selfie ah iska qaado, waa inuu kala tashadaa qofka lasoo raaciyay.

-Muwaadinka u dhashay Kuuriyada Waqooyi taleefoon dibadda ah kuma hadli karo isagoon ogolaanshiyo ka haysan xukuumadda dalkiisa, haddii kale waxa uu la kulmi karaa dil sida qabsatay dadka qaar oo naftooda ku waayay arrinkan.

Ugu dambeyn, muwaadinka u dhashay Kuuriyada Waqooyi looma ogola inuu u dhoofo dibadda, haddii lagu qabto isagoo si dhuumasho ah ku socda, waa la xirayaa isla markaana waxa uu waajahayaa xukun dil ah.

2- China: Lama ogola in Ruuxda qofka dhinta ay isku soo matasho nooc kale Geerida ka dib, haddaanuu ka haysan ogolaanshiyo xukuumadda.

-Waxaa jira dunida diimo qaba in ruuxda qofku ay isku soo matali karto waxyaabo kale geerida ka dib; sida qofku inuu mas noqon karo, noloshana ay ku soo noqoneyso iyadoo sifo kale oo aan aadano ahayn wadata, waa fikrad la yaab leh oo dadka kale agtooda aan laga aqbaleyn, laakiin ay aaminsan yihiin dadka qaar; waxaase taa ka yaab badan in xukuumadda China ay mowqif ka istaagta arrinkaa; waxay u diidday sanadkii 2007, suufiyada Tibetan-ka iney wax isku soo ekaysiiyaan, haddii ay ogolaanshiyo ka haystaan xukuumadda mooyaane. in nolasha qawaaniin laga soo saaraa waa caadi, laakiin waxaa yaab badan in geerida ka dib qawaaniin laga sameeyo.

-isla dalka Chine Baarinimada waalidku waa waajib; wiilka dhalinyarada ah oo qoyskooda goonni uuga nool waxa uu ku khasban yahay inuu qoyskiisa si joogto ah u soo booqdo kalana qeybgalo munaasabadaha diiniga ah iyo kuwa kale ee waalidka lagu raalligelinayo.

3- Australia: Nadaafadda oo xilliyada qaar aan laga ogoleyn magaalada Melbourne.

-Magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu quruxda badan dunida, laakiin haddaad ku fakarto inaad mar un booqato, haddaad nin tahay ha isku dayin inaad haweenay isku ekaysiiso, amaba gurigaaga aad ku nadiifiso masaxaadda korntada ku shaqeysa, inta u dhaxaysa 10:00 Pm(habeennimo) illaa 7:00 Am(subaxnimo), maalmaha caadiga ah, xilliyada fasaxana illaa 10:00 Am, rag iyo dumarba, haddii aad falalkaa sare ku kacdo waxaad ogaataa in aad ku dhacayso fal dambiyeed lagugu maxkamadeynkaro.

4-Mareykanka: Dameerka looma ogoleyn inuu seexdo meelaha qaar.

Gobolka Oklahoma ee dalka Mareykanka, waxaa mamnuuc ka ah dadka dameerada leh iney ku seexiyaan barkadda qubeysa ee biyahana lagu siiyo, arrinkan ayaa salka ku haya dhacdo sandkii 1924-tii ka dhacday gobolkaas, kadib markii mid ka mid ah dadka dameerada ka ganacsada uu kaga tagay dameerkiisa barkadda mayrashada ama biyaha lagu siiyo dameer, waxaa dhacay fatahaado oo daadad ku soo rogmadeed gobolkaas, kadib dameerkii oo hurda ayaa waxaa qaaday biyihii daadadkii isagoon dareemayn, kadib dameerkii ay halkaa ku qariqmi gaaray, arrintaa ayaa keentay in dadbadan oo ka mid ah kuwa xayawaanaadka u u ol’oleeya ay abaabulaan warqad afti dadweyne ah oo dameerka looga mamnuucayo in lagu seexiyo barkaddaa yar ee biyaha lagu siiyo amaba loogu qubeeyo, qaanuunka ayaa lagu dhaqan geliyay si dameerka loo ilaaliyo.

5- Scotland, waxaa ka mamnuuc ah masqulaha dadweynaha.

Waxaa jira qaanuun ka dhaqan galay dowladda Scotland oo mamnuucaya in masqulo dadweyne laga dhiso waddooyinka, muwaadinka Scotland haddii uu masqul u baahdo waxa uu xaq u leeyahay inuu gargaraaco guriga ugu dhow ee uu masqul ka heli karo, qofka guriga iska leh uma diidi karo taas, haddii kale waxa uu wici karaa booliska, dacwadna wuu ka gudbin karaa.

6- Brazil: Xaaskaaga oo aad iskaga celin karto muddo 10 cisho ah gudahood

Illaa 2002, dalka Brazil waxaa ka jiray sharci ogolaanaya in ninku uu xaaskiisa iska celiyo oo qoyskeedii dib ugu celiyo, marka uu arko inaaney gabar ahayn, laakiin waxa waajib ah in muddo 10 cisho ah aaney ka badan, mudada celin ah.

Goobjoog News