U bood dhigaalka

Khudaarta Suuqyada Muqdisho Oo Laga Dareemayo Sare U Kac

Sheeko:Dalka

Magaalada Mugdisho ayaa waxaa laga dareemayaa sare u kac dhanka khudaarta ah iyadoo suuqyada lagu iibiyo  noocyada kala duwan ee khudaarta laga dareemayo  qiimo koror ku yimid waxaana loo sababaynaa wabiga Shabeelle oo biyo yareeyay iyo in la waayo biyo lagu waraabiyo dalagii ka soo bixi lahaa beeraha.

Qaar ka mid ah ganacsta ku iibisa magaalda Mugdisho  qeybaha kala duwan ee khudaarta ayaa Goobjoog News waxa ay uga warbixiyeen qudaarta laga dareemaya sare u kac iyo iyagoo cabasho ka keeney sare u kac ballaaran iyo qiimo koror khudaarta ah.

Noocyada laga dareemaya sarakaca waxaa ka mid ah: Mooska oo isga horay loo iibin jiray Kiintaalkii  lacag u dhaxeesay  saddex boqol iyo konton  ilaa iyo Afar boql  oo Shilin Soomaali ah ,haddana waxa uu marayaa lacag dhan 600 oo Shilinka Soomalia.

Dadka shacabka ayaa waxay culeys ku tahay qiimo korarka qudaarta iyagoo aan awoodin qaarkood inay iibsadaan qudaarta qaaliga awgiis.

Inta badan Abaaraha ka jira waddanka ayaa waxay saameyn ku yeesheen Beeraha oo iyaga ku tiirsan wabiga biyahiisa ,waxayna keentay abaarta inay guraan wabiyada ayna qalalaan Beerihii,waxaana guray wax soo saarkii beeraha.

Goobjoog News