U bood dhigaalka

QIIMAHA SAAMIYADA SHIRKADDA SAMSUNG OO HOOS U DHACAY

Waxaa hoos u dhac xoogga laga dareemayaa qiimaha saamiyada shirkadda SAMSUNG kadib markii ay dhawaantan ku dhawaaqday in macmiisheeda ay soo celiyaan taleefonkeeda Galaxy Note 7 oo ah moodelkii ugu dambeeyay.

Macmiisha iibsaday teleefonkaas ayaa lagu qiyaasaa 2.5 Millyan oo doollar, arrintaas ayaa keentay in shirkadda ay qasaarto 11 Bilyan oo doollar. Waxaa intaa sii dheer in dhacdadaasi ay dhaawacday sumcaddii shirkadda,

Horraantii bishii Agoosto ee lasoo dhaafay ayey markii ay shirkadda daaha ka qaaday Teleefonkeeda Galaxy Note 7. Tan iyo markaas waxaa hoos u dhacayay saamiyada shirkadda iyada oo hadda hoos u dhaca uu gaaray illaa iyo 7% boqolkiiba.

Goobjoog News