U bood dhigaalka

Qiimaha Shidaalka Dunida Oo Sare U Kici Doona Sanadka 2018

Sheeko:War

Bangiga Adduunka ayaa saadaaliyay in ascaarta shidaalka dunida uu sare u kici doono sanadka soo socda ee  2018ka

Waxa uu sheegay Bangigu in qiimaha halkii barmiil ama fuusto uu gaari doono 53 doolar sanadka soo socda. Waxaana uu Bangiga arrintaasi u sababeeyay dalabka shidaalka dunida oo isasoo taraya iyo go’aanka soo saarista shidaalka lagu dhimayo ee ay qaateen dowladaha ku bahoobay OPEC.

Waxa uu intaasi sii raaciyay Bangiga oo warbaxin ka soo saaray sheekadaan in sidoo kale dhammaan qeybaha kale ee tamarta sida gaaska dabiiciga ah ay sare u kici doonaan 4%.

Macdanta ayaa sidoo kale uu sheegay Bangiga Adduunka in sanadka soo socda qiimaheeda uu kordhi doono 22%.

Ugu dambeyntii, shirkdaha shidaalka aadka ugu tiirsan ayaa walaac ka muujinayay muddooyinkii ugu dambeeyay qiimaha shidaalka ee sare usii kacaya waxaana arrintan ay ku noqon doontaa dhabar jab kale oo xooggan.

Goobjoog News