U bood dhigaalka

QM Oo Ka Digtay Kororka Nafaqo Darri Ku Soo Wajahan Caruurta Soomaaliyeed

Sheeko:Caafimaadka

Warbixin ay soo saartay hey’adda Qaramada Midoobay  ayaa waxaa lagu sheegay in 1.4 milyan oo caruur Soomaaliyeed ah ay halis ugu jiraan in ay u dhintaan nafaqo darro.

Dalka Soomaaliya oo hadda ka hor ku jiray abaar baahsan ayaa Qaramada Midoobay saadaalinaysaa in dhammaadka sanadkaan ku dhawaad  hal milyan iyo bar caruur ah ay u geeriyoon doonaan nafaqo darro awgeed.

Warbixinta ay Qaramada Midoobay ay soo saartay ayaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka waxay ka digeysaa in ka badan labo boqol iyo todobaatan kun oo caruur ah in ay heysato nafaqo darro baahsan, qarankana ay u saaranyihiin  inay u geeriyoodaan.

Dhanka kale war ay soo saartay hay’adda dhallaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in caruurta ay wajahayaan xanuuno ay ka mid yihiin kalooraha iyo Shuban biyoodka kuwaasi oo sababyo nafaqo darro.

Nafaqo darrida iyo xanuunada oo is biirsaday iyo barakaca reeraha caruurta dhalay ayaa ah waxa halista galinaya nolosha caruur badan.

Hay’ado badan oo dhanka caafimaadka ah ayaa ka digay inay abaartu ay sababayso in Shuban biyood uu dilaaco.

Soomaaliya ugu yaraan labo boqol iyo lixdan kun oo qof ayaa sanadkii 2011 kii u geeriyootay abaaro ba’an  oo dilaacay xilligaasi.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xilligaasi dadkii dhintay kala bar ay ahaayeen caruur kuwaasi oo da’doodu ay ka hooseyso shan jir sida ay sheegtay  hay’adda WFP.

Goobjoog News