U bood dhigaalka

Qodobbo Muhim u ah Daryeelka Timahaaga

Sheeko:Caafimaadka

Timahaagu waxay u baahan yihiin daryeel iyo ka warqab dheeraad ah sababtoo ah waa qeyb ka mid ah quruxdaada.

Timaha oo sida ugu wanaagsan loo dhaqo ayadoo laga fakarayo nooca shaambada ee loo isticmaalayo waa mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan nadaafad iyo daryeel ahaan timaha qofka.

Timuhu waa kala nooc wayna kala duwan yihiin qofba timihiisu waa dherer, midab iyo xajmi gaar ah, sidaas daraadeed daryeelkooduna sidaas ayuu ku kala duwan yahay.

Hadba sida aan u daryeelno timaheena ayay caafimaad ahaana ku xiran yihiin, sidoo kalena koritaankooda waa mid ku tiirsan ilaalintooda.

Ka fakarka iyo ku dadaalidda nadaafadda timahaaga waa masuuliyad ku saaran, sidaas daraadeed waa in aad si weyn u hubisaa xitaa noocyada shaampo, saliid iyo kareem ee aad u istimaaleysid madaxaaga.

Jaridda iyo sii deynta timaha midna ma aha wax shaqo iyo xiriir la leh dhererka iyo xoojinta timaha, kaliyana waa wax ku kooban hadba sida loo nafaqeeyo timaha loona nadiifiyo.

Mararka qaar qofka waxaa la soo gudboonaan kara xanuuno sababa in ay timuhu gurmaan ama ay sida caadiga ah ku kori waayaan, sidoo kale in ay beddelmaan midab ahaan, sidaas daraadeed waxaa laga ma maarmaan noqoneysa in dhaqtar ku taqasusay lala kaashado.

Timaha oo gurma waa xalad mararka qaar ku timaada ayadoo jirka ay ku yaraato maaddada Iron-ta ama ay fitamiinada qaar ka dhumaan jirka. Sidoo kale waxaa dhici karta in dhaxal ay ku timaado arrintaas ku saabsan timaha oo gurma.

Dad badan ayaa marka ay timahooda ku arkaan xaalad aan caadi aheyn waxaa suuragal ah in iyaga oo aan dhaqtar la tashan ay isticmaalaan dawooyinka loo adeegsado timaha.

Dhaqaatiirta iyo warbixinnada caafimaadka ee laga qoray ayaa tilmaamaya in taas ay sii keeni karto halis caafimaad oo ka badan tii markii hore uu qofku ka cabanayey.

Daryeelka iyo ka warqabka timahaagu waa muhiimaddaada koowaad sababtoo ah waa quruxdaada iyo caafimaadkaaga

Goobjoog News