U bood dhigaalka

Qof Ku Geeriyoodey Goob Carro Laga Qodo Oo Kusoo Duntay, Degmada Kaaraan

Sheeko:Dalka

 Hal qof ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintey god laga qodo kaawada, kaasi oo ku yaalla nawaaxiga Isbitaalka Keysaney ee duleedka degmada Kaaraan, magaalada Muqdisho.

Maxamed Xuseen Abkow oo ah guddoomiyaha Iskaashatada dhismaha gobolka Banaadir oo la hadlay Goobjoog News, wuxuu sheegay in halkaasi ay ka badbaadeen shaqaale kale oo aad u badan.

Shaqsiga dhintay ayuu magaciisa ku sheegay Faarax Xasan oo 30 sano jir ah, waxaana uu ku jirey meel hoose oo carada laga soo qodayey.

“Kaawada waxay ku duntay dhowr nin balse waa ay badbaadeen, Hal ruux ayaa dhintay, godka aad ayuu u dheer yahay gacmaha ayaana lagu qodaa” ayuu yiri Abkow.

Dhanka kale, Guddoomiye Maxamed Xuseen ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iney ku caawiso qalab ay kaawada ku qotaan, maadaama halis ah tahay marka gacmaha lagu qodayo.

Goobjoog News