U bood dhigaalka

Qoys Ka Koobnaa 5 Ruux Oo Gaajo Ugu Geeriyoodeen Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Galgduud ayaa waxay sheegayaan in Qoys ka koobnaa 5 ruux ay Gaajo darteed ugu geeriyoodeen deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud.

Tuulada Tifafleey oo ku dhow degaanka Ceelleey oo 150 KM ku dhowaad u jirta deegaanka Baxdo ayaa la soo sheegayaa in arrintani ay ka dhacday.

Nabadoon Cali oo ka kamid ah waxgaradka Tuuladan ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay jiraan dad kale oo ku dhow in iyaguna ay harraad iyo gaajo u dhintaan.

“Qoyska 5 ruux ayeey ka koobnaayeen, cid abaar u jirta oo biyo reerkan u keenay ayaa arkay qoyska oo hooyadi kaliya naf yar ku dambeysay, iyadiina waa ay dhimatay”

Dhanka kale Nabadoonka ayaa sheegay in dadka ku dhaqan Tuuladaasi iyo deegaannada ku dhow aaney iibsan karin biyaha oo Halkii fuusto la iibinayo 180 kun oo shilin Soomaali ah, dadkuna aaney awoodin bixinta lacagahaasi.

Ugu dambeyn Nabadoon Cali ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug in ay gurmad lasoo gaaraan shacabka ku dhaqan deegaannada ay abaarta daran ka jirto.

Goobjoog News