U bood dhigaalka

Qoysas Hor Leh Oo Ka Baracay Deegaannada Galmudug Ee Ay Abaarta Saameysay

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Galmudug ayaa sheegtay in abaarta ka jirta deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo ay sababtay in qoysas badan ay ka barakacaan guryahooda.

Cumar Maxamed Diiriye, wasiiru dowlaha wasaaraddan ayaa sheegay in dadkaan ay barakaceen kadib markii ay xaaladooda ay waayeen cid wax ka qabata, waxaana qoysaska ku xoolo beelay Miyiga ay soo galeen magaalooyinka.

Waxa uu ugu baaqay dhallinyarada iyo cid walbo oo shaqo haysata in ay wax ka jaraan mushaarkooda si loogu caawiyo dadka dhibban.

“Maadaama dalkeenna dhallinyaro u badan yahay waxaan u baahannahay in ay kaalin ka qaataan gurmadka, dalka waxaa ka dhacday abaar la dhaho SIMA, laakiinse annaga waxaa nagu haray abaar la yiraahdo Hayaan oo Galmudug u gaar ah, dadkii oo dhan waa ay ka kala hayaameen deegaannadooda, dhallinyarada waxaan ugu baaqayaa iney fekeraan oo ay isku tashadaan dhallinyarada shaqeysana lacag iska jaraan oo meel la isugu keeno wixii la hayo oo dadkeenna wax loo qabtaa” ayuu yiri Diiriye.

Deegaanada Galmudug ayaa kamid ah meelaha sida aadka ah u saameysay abaarta, iyadoo weli dadku u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News