U bood dhigaalka

Qoysas Kasoo Barakacay Abaaraha Oo Gaaray Degmada Mahadaay, Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Boqolaal qoys oo kasoo barakacay abaaraha ka jira deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe ayaa soo gaaray degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda ee maamulka degmada Mahadaay Cali Cabdulle Caddo woo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in dadkaan ay kusoo dhoweeyeen degmadaasi, islamarkaana ay ka muuqato xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Dadka ayuu sheegay ineysan haysan meel ay ku hoydaan, waxaana sidoo kale intaasi u dheer gaajada iyo harraadka maadaama deegaanno fog ay ka yimaadeen.

“Boqolaal qoys oo hor leh ayaa soo gaaray degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxay dadkani halkaan usoo raadaseen nolol, xoolihii abaarta ayeey uga dhammaadeen, sidoo  kale beerihiina ma jiraaan” ayuu yiri guddoomiye Cabdulle.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda ee maamulka degmada Mahadaay Cali Cabdulle ayaa dhanka kale ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samofalka ah iney u istaagaan sidii ay ugu soo gurman lahaayeen dadkaan ku sugan degmada Mahaday.

Degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaa horey ugu sugnaa qoysas badan oo abaar uga soo barakacay deegannadooda.

Goobjoog News