U bood dhigaalka

Qudus: 10 Maalmood Oo Cadaadis Ah Kadib, Cadawga Israa’il Oo Baaritaanka Qafiifiyay

Sheeko:Dalka

Gole yar oo xagga ammaanka u qaabilsan ra’isul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa maanta qaaday qalabkii wax lagu baarayey, kaas oo muddo 10 maalmood ah yaallay albaabka hore ee masjidka Al-Aqsa.

Cadawga Israa’il waxaa ay sheegayaan in qalabkaasi lagu baaro hubka iyo macdanta haatan lagu soo badali doono qalab ka fudud, arrintaas oo sida muuqata aan sheekada waxba ka badali doonin.

Madaxweynaha Falastiin Maxamud Cabaas, Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayyip Erdogan iyo madax kale oo caalamka Islmaaka ah ayaa sheegaya in Isra’il ay u marmarsiyo u raadineyso  masjidka ee ujeedadeeda aaney aheyn argigixiso.

Isra’il ayaa tillaabooyin waalli ah qaaday kadib markii bishan 14-keeda ay masjidka agtiisa  lagu dilay 2 askari oo cadawga ah, arrintaas oo Isra’il ay ku badashay in ay masjidka hordhigto qalab wax lagu baaro, marar qaar xirto, dadkana u diido iney cibaadeystaan,  xiiisaddan oo inta badan Falastiiniyiinta u arkaan gumeysi cusub iyo Isra’il dooneyso in ay maamusho masjidka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tillaabada ay Isra’il ku qaadeyso qalabka wax lagu baaro ay ka dambeysay heshiis ay la gashay Urdun, si askari ugu badashaan, Camerada lagu badali doono qalabka waxaa ku baxaya lacag lagu qiyaasay 100 Milyan oo lacgtooda ah oo u dhiganta $28 Milyan.

Dibaxbayo ayaa ka soconaya qeybo ka mid ah Falastiin iyo Urdun, halka culimada Soomaaliyeed bayaan ay soo saareen ay ku dhaleeceeyeen tallaabada cadawga Isra’il uu ku waxyeeleeyay Masjidka iyo dadkiisa.

Cadawga Isra’il ayaa waxaa uu xoog ku heysaa magaalada Qudus muddo 50 sano ah, Carabta oo 1967-dii  xoog looga qaatay, ma hayaan xal aan habaar aheyn!

Goobjoog News