U bood dhigaalka

Rag Hubeysan Oo Dilay Xoghayihii Maamulka Degmada Wadajir

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen C/raxmaan Sheekh Axmed Calasow oo ahaa xoghayihii maamulka degmadaasi.

Gaari uu la socday xoghayaha ayaa la sheegay in rag hubeysan oo watey gaari kale ay isku horjareen kadibna ay rasaas ku fureen, waxaana halkaasi sidoo kale la sheegay iney ku dhaawacmeen Labo ruux.

Raggii dilka ka dambeeyay ayaa goobtaasi ka baxsaday, waxaana goobta gaaray ciidamada dowladda oo howlgalla wada.

Maamulka degmada Wadajir weli wax faah faahin ah kama aanu bixin dilka loo geystay xoghaya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News