U bood dhigaalka

Rag Lala Xiriirinayo Al-shabaab Oo Lagu Qabtay Hargeysa

Sheeko:Dalka

Ciidama ammaanka Somaliland ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Hargeysa, waxay kusoo qabteen 6 ruux oo lala xiriirinayo iney ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Raggan mid kamid ah waxaa laga qabtay Masjid ku yaalla Hargeysa, halka Shanta kale laga qabtay hoy ku yaalla magaaladaasi.
Saraakiisha amniga ee ciidanka Somaliland ayaa u sheegay warbaahinta in raggan la qabtay ay maleegayeen falal amniga ka dhan ah, islamarkaana warbixin ay heleen kadib ay ku guuleyseen iney soo qabtaan.

Maxamed Muuse Diiriye, oo ah wasiiru dowlaha wasaarada amniga Somaliland ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin xilli walbo weeraro argagaxiso oo ka dhaca Hargeysa.

Shacabka Somaliland ayuu ugu baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo kahor tagga waxa loogu yeero argagaxisa iyo cid walbo oo amniga maamulkaasi wax u dhimana.

“Dadweynaha reer Somaliland waa ciidan, waa gacmihii ciidanka nabadgalyada, waxaan ku baraarujinayaa iney ciidanka la shaqeeyaan oo ay kala shaqeeyaan howlaha amniga, howlgallada la sameeyay shacabka ayaa kala shaqeeyay ciidanka, wixii aad dareentaan shacabow lasoo socodsiiyo ciidanka qaranka” ayuu yiri Mr. Diiriye.

Somaliland ayaa marar badan xirtay dad ay sheegeyso iney xiriir la leeyihiin Al-shabaab, balse badi lama arag iyaga oo maxkamad lasoo taagay.

Goobjoog News