U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha Oo Ku Baaqay In Loo Midoobo Gurmadka Dadka Ay Abaartu Ku Hayso Gobollada Dalka

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka iney u midoobaan u gurmashada shacabka abaarta ku hayso gobollada dalka.

Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaare Kheyre in waajib ballaaran uu ka saaran yahay xukuumadda Soomaaliya iyo shacabkeeda iney si wadajir ah wax ugu qabtaan dadkaasi.

“Sidaad la socotaan, waxaa dalka ka jira abaaro ba’an oo soo jiitamayay in muddo ah, kuwaas oo saameeyay malaayiin qoysas Soomaaliyeed. Waxay halis ku yihiin jiritaanka nolosha iyo duunyada, waajib balaaran ayaa ka saaran Xukuumadda iyo shacabka in ay si wadajir ah wax uga qabtaan. Waxaan sii xoojinayaa iskaashi ka dhexeeyo, Xukuumadda, Guddiyada Abaaraha, hey’adaha samafalka iyo dalalka aan saaxiibada nahay si gurmad degdeg ah loogu fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Gobollada dalka waxaa inta badan ka jirta abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxayna u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Goobjoog News