U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha: Waa Dhammaaday Waqtigii Aan Aqbali Jirnay Soomaalida In La Liido

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in uu dhammaaday waqtigii la aqbalayey in la liido dadka Soomaaliyeed, isaga oo dhanka kalena ka hadlay dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaaraha in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in quluubta Soomaaliyeed mid laga dhigi lahaa, si wadajir ahna dalka looga saari lahaa Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in ay timid guushii, la gaarayna waqtigii Al-shabaab dalka laga saari lahaa.

“Marnaba qof Soomaaliyeed yuusan ku fekerin in quluubta umadda Soomaaliyeed xuduud kala leedahay, sidaasi darteed waxaan codsanayaa in annaga oo isku duuban kulligeen in qofna aanu isku dayin inuu is yiraahdo maalin, Labo maalin, isbuuc dib u dhigin, yaan guryaha naloogu soo gelin, sababtoo ah waxay nagu xukumeen dil gulligeen, haddii aad aniga i weydiisaan waxaan aaminsanahay, waxaan aaminsanahay guushii iney muuqato, waxaan aaminsanahay inaan ka adkaaneyno Shabaab..sidaasi daraadeed haddii horey dambi inooga dhacay aan ilaahay dambi dhaaf weydiisanno..waxaa na haysata qatar ka weyn wax walba, hooyooyinkeenna Shabaab maka xoreyneynaa mise waan isku tacsiyeeneynaa, waa dhammaaday waqtigii aan aqbali jirnay Soomaalida in la liido” ayuu  yiri Ra’iisul wasaaraha.

Hadalka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa imaanaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jirto sidii ay ula dagaallami lahayd Al-shabaab, dalkana uga saari lahayd.

Goobjoog News