U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Dhagax Dhigay Xarun Cusub Oo Ay Ku Shaqeyn Doonto Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu dhagax dhigay xarun cusub oo noqon doonta xarunta ugu weyn ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha xukuumadda Soomaaliya.

Xaruntan la dhagax dhigay ayaa ku taaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, waxaana dhulka laga dhisayo bixiyey maamulka Gobolka Banaadir.

Munaasabadda dhagax dhiggan xarigan waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ay kamid yihiin guddoomiyaha gobolka Banaadir, wasiir amniga, agaasimaha hay’adda socdaalka, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo sidoo kale halkaasi ay ku sugnaayeen shacab badan.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in dhismaha xaruntaan ay muujineyso sida dalka u hormaro, isaga oo u mahadceliyey maamulka gobolka Banaadir oo dhulkaasi bixiyey.

“Waa wax lagu farxo in la arko in dalkeenna usoo jeesto sidii dalka loo hormarin lahaa, loo dhisi lahaa, waxaa la ii sheegay iney tahay markii ugu horreysay taariikhda oo hay’adda socdaalka iyo jisiyaduhu yeelato xarun weyn oo laga maamulo, in maamulkeeda iyo gobolka Banaadir oo aan u mahadcelinayo bixinta dhulka ay bixiyeen ay ka wada shaqeeyeen in xarun la helo, waxay idiin tuseysaa in dalkaan uu noqday dal horey u socda wax walbo lama xalin karo Hal maalin iyo Labo maalin, laakiin tillaabo walbo oo horey loo qaado waxay noqoneysaa tillaabo kusoo korortay shacabka Soomaaliyeed, ugu soo korortay si wanaagsan, waxaan u mahadcelinayaa cid walbo oo kasoo qeybqaadatay in arrinkan suurtagasho, waxaan u mahadcelinayaa agaasimaha oo si hagar la’aan ah uga soo shaqeeyay iyo wasiirkiisa, waxaan kaloo u mahadcelinayaa guddoomiyaha gobolka Banaadr iyo gobolka Banaadir oo dhulkaan ugu deeqay, waa muhiim dhulka gobolka Banaadir in looga faa’ideysto sida ugu fiican ee shacabka loogu adeegi karo” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha xukuumadda Soomaaliya ayaa hadda waxay ku shaqeysaa guriga shaqaalaha ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News