U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta waxa uu magaalada Muqdisho kula kulmay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu mudane Kheyre xildhibaannada qaar ee uu kulanka la yeeshay ka codsaday iney meel mariyaan si uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu adeeggo.

Kheyre ayaa sidoo kale usoo bandhigay xildhibaannadan qaar kamid ah qorshihiisa siyaasadeed, waxaana xildhibaannada qaar oo halkaasi hadal ka jeediyey ay sheegeen iney ku faraxsan yihiin in Kheyre uu noqdo Ra’iisul wasaaraha dalka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa hortagi doona golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, si uu codka kalsoonida ah u weydiisto.

006 005 004 003 002 001

Goobjoog News