U bood dhigaalka

Kheyre Oo Loogu Baaqay Inuu Dib Ugu Laabto Magacaabista Wasiiradiisa

Sheeko:Dalka

Ururada bulshada Koonfur Galbeed ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Kheyre ay haboon tahay in uu dib ugu laabto xukuumaddiisa cusub.

Guddoomiyaha Bulshada Rayidka Koonfur Galbeed SOSWENSA, Cabdi Caddow Axmed oo lahadlay Goobjoog News ayaa tilmaamay in tirada xukuumadda iyo dhaqaalaha wadanku ay adag tahay inay iswaafaqaan, oo dalku xilligani yahay mid ay abaaro iyo colaado daashadeen.

In 42 xildhibaan xubno gaaraya lagu daro xukuumadda ayuu guddomiyaha ku micneeyay si baarlamaanka cod looga helo oo aynaan diidmo ugu la kulmin.

“Dad aqoon leh wey ku jiraan wasiirada laakiinse meelihii ku haboonaa looma dhiibin, waxay u muuqataa in xukuumaddan aysan ahayd mid loo baahan yahay, dad siyaasadda ku cusub waxaa loo dhiibay xil aad u culus, xukuumaddan waxaan u arkaa ineysan ahayn middii ay shacabka Soomaaliyeed sugayeen, waxaa ku jira 42 xildhibaan oo u muuqda kuwo la doonayo in cod looga helo baarlamaanka, waxaan kula talinyenaa Ra’iisul wasaarah inuu dib ula laabto wasiiradan kahor inta aanu baarlamaanka horgeyn” ayuu yiri Cabdi Caddow.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalintii talaadada magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay xukuumad ku dhow ku dhowaad 70 wasiir oo uu ku jiro Ra’iisul wasaare ku xigeen.

Goobjoog News