U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Shir Degdeg Ah Isugu Yeeray Hoggaanka Xasilinta Caasimadda

Sheeko:Dalka, War

Warar Goobjoog News, ay ka heshay ilo ku dhow xukuumadda Kheyre ayaa waxay sheegayaan in shir degdeg ah la isugu yeeray hogaanka ciidanka xasilinta caasimadda, kadib qarax goor dhow ka dhacay Saldhigga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa ah mid looga hadli doono arrinta amniga ee magaalada Muqdisho, maadaama ay faraha kasii baxayso amniga Muqdisho,  kadib qaraxyo is daba joog ah oo magaalada ka dhacay bishan Ramadan.

Qaraxii ugu dambeeyay ayaa goor dhow waxaa lagu qaaday saldhigga degmada Waaberi, halkaasi oo uu ka dhashay khasaare aan weli la xaqiijin inta uu la egyahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News