U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre: Qofkii Lagu Helo Musuq Tallaabo Sharci Ah Ayaa Laga Qaadi Doonaa

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta codka kalsoonida ka helay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka ayaa balanqaaday inuu la yimaado wax qabad dhab ah.

Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaaraha in sharciga la marin doono cid walbo oo lagu helo falal musuq ah, iyadoo cidna aan looga hibeysan doonin xil iyo mansabka dowladeed ee uu dalka iyo dadka u hayo.

“Waxaan ballanqaadi doonaa in qofkii lagu helo falal musuqmaasuq ah laga qaadi dooono tallaabo sharci ah, mana jiri doono shakhsi sharciga ka sarreeya, taasna waxaad ka arki doontaan in dhammaan Ummaddu u sinnaan doonto sharciga hortiisa, iyadoon cidna looga haybaysanayn xilka iyo mansabka dawladeed ee uu dalka iyo dadka u hayo”

Ra’iisul wasaare Kheyre oo hadalka sii wata ayaa yiri “Xukuumaddayda, waxaa hal-beeg u noqon doona Karti iyo Hufnaan, sidii hal-hayska u ahayd Ra’iisul Wasaarihii hore, Allaha u naxariistee, Mudane Cabdirasaaq Xaaji Xuseen.

“Waxaa hubaal ah in Shacabka Soomaaliyeed ay gashay rajo wanaagsan oo keentay inay si buuxda u taageeraan Dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”. Sidaas daraadeed, waa inaan rajada shacabka ka dhabeynaa, oo aan tusinaa waxqabad dhab ah oo ay isku haleyn karaan, si loo hanto kalsooninda ay shacabku u hayaan dawladdadooda”.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay arrimaha ciidamada iyo xaquuqdooda ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadiisu muhiimad aad u weyn siin doonto daryeelka ciidamada kala duwan, si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.

“Waaxaan fursaddaan qaaliga ah uga faaiidaysanayaa inaan si gaar ah ugu mahad celiyo Ciiddamada Amaanka oo har iyo habeen u taagan difaaca dalka iyo dadka, iyadoo aan qirayo in ay si nafti-huranimo ah ugu dhabar-adeegeen xaalado adag oo aysan naga mudnayn. Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo inaan geed dheer iyo mid gaaab u fuulo doono sidii ciidamada qaranku ay xuquuqdooda ugu heli lahayeen si joogto ah, waajibaadkoodana u gutaan si gobannimo leh”.

Ra’iisul wasaaraha oo soo hadal qaaday arrimaha abaaraha ayaa sheegay in waajib ay tahay in si mideysan ay dowladda iyo shacabkaba ugu gurmadaan dadka ay aafeysay abaarta dalka ka jirta.

“Sidaad la socotaan, waxaa dalka ka jira abaaro ba’an oo soo jiitamayay in muddo ah, kuwaas oo saameeyay malaayiin qoysas Soomaaliyeed. Waxay halis ku yihiin jiritaanka nolosha iyo duunyada. Waajib balaaran ayaa ka saaran Xukuumadda iyo shacabka in ay si wadajir ah wax uga qabtaan. Waxaan sii xoojinayaa iskaashi ka dhexeeyo, Xukuumadda, Guddiyada Abaaraha, hey’adaha samafalka iyo dalalka aan saaxiibada nahay si gurmad degdeg ah loogu fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Sida dastuurka uu qabo waxaa Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre muddo 30 cisho ah looga sugayaa inuu kusoo dhiso xukuumaddiisa, balse madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu soo magacaabayey Ra’iisul wasaaraha sheegay in ansixintiisa kadib 15 maalin looga doonayo inuu kusoo magacaabo golahiisa wasiirada.

Goobjoog News