U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Ku Baaqay Dardargelinta Wadahadallada Dowladda Federaalka Iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ugu horreyn u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ka rajeeyey inuu keeno isbedallo cad cad.

Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, in Muuse Biixi uu xog ogaal yahay wax badan oo ka jira dalka, isaga oo rajo ka muujiyey iney hanaqaadaan wadahadalladii dowladda Federaalka iyo Somaliland.

“Waxaan ugu hambalyeenayaa madaxweynaha la doortay ee Somaliland aniga oo og kuna kalsoon inuu xog ogaal u yahay taariikhda umadda Soomaaliyeed, waayihii lasoo maray, Somaliland iyo gobollada waqooyi ee Soomaaliyeed, taariikhdii umadda Soomaaliyeed guud ahaan, waxaa haboon in horey looga socdo..waxaan ku celinayaa in wadahadalladii dowladda federaalka iyo Somaliland ay tahay fursad maadaama hoggaan cusub loo doortay Somaliland, ugana faa’ideysanno iney hanaqaadaan, lana dardargeliyo wadahadalladii Labada dhinac” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Doorashadii ka dhacday Somaliland 13-kii bishan waxaa ku guuleystay xisbiga Kulmiye oo musharraxooda madaxweyne ahaa Muuse Biixi Cabdi.

Goobjoog News