U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Turkiga Oo Yimid Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Veysi Kaynak, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aaan Cadde kusoo dhoweeyey Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Axmed Guuleed iyo wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar.

Safarka uu maanta Muqdisho ku yimid Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa la xiriira arrimo ku aadan u kuur gelidda xaaladda abaarta dalka, xoojinta mashaariicda iyo kaalmada ay siiyaan Soomaaliya.

Waxa uu la kulmid doonaa Mr. Kaynak madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana maamulka gobolka Banaadir uu ku wareejin doonaa gaadiid ay dowladda Turkiga ugu talogashay howlaha horumarinta magaalada Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa xiriir aad u wanaagsan la leh Soomaaliya, waxaana dalka ay ka fuliyeen mashaariic farobadan oo ay ku jiraan dhismaha laamiyada muhiimka, arrimaha bini’aadannimada iyo arrimo kale.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News