U bood dhigaalka

Ra’ila Odinga Oo Sheegay Inuu Ka Haray Doorashooyinka Kenya

Sheeko:Dalka

Ra’ila Odinga, hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya ayaa sheegay in isaga iyo ku xigenkiisa Kalonzo Musioka ay isaga hareen tartanka doorashada ee la filayo in la qabto dhammadka bishan.

Waxa uu tilmamay Odinga in dalabkooda aan la aqbalin, kaasi oo ahaa in wax laga bedalo guddiga doorashada ee dalkaasi.

Odinga ayaa tilmaamay in go’ankooda ahaa in doorashada lagu qabto hanaanka ay amartay maxkamadda sare ee dalkaasi.

Guddiga doorashada ayeey sheegeen xubnaha mucaaradka in qaarkood ay u janjeeraan dhanka xisbiga talada haya ee Jubilee.

Gobjoog News