U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaaraha Israa’il Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Imaaraadka Carabta

Sheeko:Caalamka

Ra’isul Wasaaraha Isra’il Binyamin Netanyahu ayaa lagu waramayaa in si sir ah ula kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta.

Sida ay qortay jariidadda afka dheer ee Haaretz,  Labada nin  waxaa ay ku kulmeen New York 2012-kii, Netanyahu iyo  Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan  ayaa waxaa uu dhex maray kulan horay loogu ballamay.

Kulanka waxaa dhanka Imaaraadka joogay Safiirka Imaaraadka ee  Washington Yousef al-Otaiba isaga iyo Wasiirka  Sheikh Abdullah bin Zayed waxaa ay ra’isul wasaaraha ku qaabileen Hotel

Dhanka Isra’il waxaa Netanyahu ku wehliyay kulanka la taliyaha amniga Yaakov Amidror iyo xogheyaha militariga Maj. Gen. Johanan Locker.

Labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen arrimo badan, laakin Imaaraadka waxaa uu soo jeediyay in arrinta Falastiin xal laga gaaro si xiriir deggan labada dhnac u yeeshaan.

Kulanka la sheegayo in uu laba dhinac dhex maray waxaa uu soo baxayaa xilli xiisad ka jirto Khaliijka, Qatar waxyaabaha lagu eedeeyo waxaa ka mid ah xiriirkeeda Isr’ail.

Goobjoog News