U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaarihii Twitter-ka

Sheeko:War

Soomaliya waa ay ku cusbeed in Ra’isul Wasaare la magacaabay laga ogaado baraha bulshadda, taasi waxa ay dhacday saakay markii madaxweyene Maxamed Abdullahi Farmaajo barahiisa Facboogga iyo Twitter-ka uu u isticmaalay magacaabista Xassan Cali Kheyre oo ahaa nin aysan Soomaali badani xogtiisa heyn balse ah nin dhalinyaro ah oo ganacsi iyo NGO lashaqeyn lagu yaqiinay.

Madaxweynayaashii dalka Soomaray marka ay magacaabayaan wasiirka Kowaad waxa ay sameyn jireen khudbooyin horudhac u ah magacaabistiisa, waxaa dhaqan siyaasadeed aheyd in warbaahinta loo yeero oo ay marqaati ka noqdaan magacaabista Ra’iisul wasaaraha’ waxaa caado aheyd in madaxweynuhu uu shacabka ka gado qofka xilkas muhiimka ah loo magacaabayo, laakin taasi ma dhicin.

Madaxweynaha dalka oo sheegay in uu aaminsan yahay warbaahinta Xorta ah ayaan warbaahinta u yeerin xitaa tan dowladda.

Dad xog ogaal ah ayaa Goobjoog u sheegay markii madaxweynuhu uu magacaabayey  Ra’iisul wasaaraha uu ku sugnaa Eela boorka oo uusan joogin Xarunta dalka looga arrimiyo ee madaxtooyada  kadibna uu u duulay dalka Sacuudiga.

Wakaaladda wararka ee dowladda wararka u fidisa ayaa sidan u qortay magacaabista madaxweynuhu uu sameeyey iyada oo aan wax faah-faahin ah sameyn.

“Muqdisho(SONNA)…Madaxweynaha JFS Somalia Nudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa soo saaray wareegto lagu magacaabaayo in uu  Raisul Wasaare dalka ka noqdo Mudane Xasan Cali Kheyre

Wareegtadaasi ayaa lagu codsaday in in shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan R/wasaaraha cusub,waxaana uu Mudane Farmaajo . Alle uga baryay in howshiisu uu u fududeey.”

Qoraalkan wakaaladdu qortay, waa xogtii uu madaxweynaha ku qoray bartiisa Twetter-ka, marka wakaaladda wararka Soomaaliyeed, warbaahinta iyo shacabkaba waxaa ay magacaabista ka wada arkeen Twitter-ka farmaajo.

Soomaaliya waxaa ku cusub dhaqankan siyaasadeed oo uu la yimi madaxweynaha cusub maadama magacaabista uu sameeyey markii ugu horeysay laga ogaaday Bartiisa Twitter, taas oo markii hore ku abuurtay warbaahinta walaac dhanka hubaasha ah maadama baraha bulshada mararka qaar la jabsado illaa markii dambe warbaahintu ay ogaatay in warku xaqiiqo yahay madaxweynihiina uu Duulay.

Tani mar waxa ay noqon kartaa habfiican oo warbaahintu ay u simantahay maadama madaxdii hore ee dalka lagu eedeyn jiray in wararka muhiimka ah ay u dusiyaan idaacadaha afkooda ku hadla gaar ahaan warbaainta dowladda, marna waxaa loo arki karaa nidaam saxaafad ka dhuumasho ah oo aan ka turjumeyn in shacabka toos loola hadlo.

Su’ aasha isweydiinta mudan ayaa ah Ra’iisulwasaaraha cusub ee magacaaban  Xasan Cali Kheyre, Ma waxa uu isna golahiisa wasiirada ku magacaabidoona dhanka Twitterka iyo Faceboogga mise waxa uu si cad magacyadda ugu hor aqrindoonna warbaahinta horteeda?

Ahmedweli Hussein Mohamud