U bood dhigaalka

Reuters Oo Daabacday Warbixin La Xiriirta in Mareykanka Joojinayaan Saadka Ay Siiyaan Xoogga Dalka, Musuq Ayaa Sabab U Ah

Sheeko:Dalka

Sida ay qortay wakaaladda wararka  ee Reuters,  dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay joojinayaan saadka ay siiyaan ciidamada xoogga dalka kadib markii ay soo baxday wax isdabamarin iyo musuq ka dhaco inta aanu saadka gaarin meeshii loogu talo-galay.

Sida ay sheegeyso wakaalladda,  dowladda federaalka ah waxaa ay qiratay in ay jirto musuqaas  iyo in raashiinka iyo shidaalkii Mareykanka aan loo isticmaalin sidii la rabay iyaga oo intaasi ku daray in ay wax ka qaban-doonaan.

Sida warbixinta lagu qoray, Bishii May iyo June ee sanadkan koox Mareykanka iyo Soomaali ah ayaa booqday xeryo ay ku jiraan ciidamada xoogga dalka si loo qiimeeyo in cuntada helaan iyo in kale, cuntadaas oo loogu talo-galay 5,000.

Saldhiyadii ay booqdeen, ma jiigin tirada askarta ee dowladda federaalka ah u diiwaan-geshnaa intooda badan, xerada ugu wanaagsaneed waxaa ay aheyd mid 550 askari laga rabay oo 160 askari keliya ay joogeen, kuwaas oo 60 keliya qoryo siteen.

Mareykanka waxaa sii wadi-doonaan saadka ay siiyaan qaar ka mid ciidamada ay sida gaarka u tababaraan, sida lagu qoray warbixinta Reuters.

Warbixin ay soo wada saareen dowladda federaalka ah, QM iyo Mareykanka waxaa lagu sheegay in ciidamada xoogga dalka aaney heysan  uniforms, cunto, gaadiid iyo hoy intaba.

Maraykanka oo sidoo kale taakuleysa  Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika oo gaaraya 22,000 oo askari , kuwaas oo 1,000 ka mid ay baxayaan bishan dhammaadkeeda.

Goobjoog News