U bood dhigaalka

Reuters: Sacuudiga  Iyo Xulafadiisa Ayaa Dilay 42 Soomaali Ah Oo Lagu Laayey Xeebaha Yemen

Sheeko:Dalka

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, baaritaan ay sameysay qaramada Midoobey waxaa lagu ogaaday in Sacuudiga iyo Xulafadiisa ay laayeen dadkii Soomaalida ahaa ee lagu dilay xeebaha Yemen bishii March ee sanadkan.

In kasta oo Xulafada iska fogeeyeen iney dileen hadana Qaramada Midoobey iyo hey’adaheeda waxaa ay qirayaan in Sacuudiga iyo xulafadiisa ay dileen 42 Soomaali ah halka ay dhaawaceen 34 kale, doonta waxaa saarnaa 140 qof.

” Doonta waxaa weeraray rag hubeysan oo watay helicopter” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal 185 bog ah oo ay saareen kooxaha la socda cuna-qabateynta hubka ee Yemen.

Qoraalka oo aad u dheeraa waxaa uu intaasi ku darayaa ” Sacuudiga iyo xulafadiisa waa kooxda keliya ee leh  helicopters oo halkaasi ka howlgala” .

Xulafada Sacuudiga ee taageersan Xukuumadda Cabdirabu Mansuur Haadi waxaa ku jira dalalka Egypt, the United Arab Emirates, Bahrain, Kuwait, Jordan, Morocco, Senegal iyo Sudan.

Qoraalka UN-ka waxaa lagu sheegay in arrinkaas ay ka hor imaaneyso xuquuqul Insaanka, isla markaana halis ku tahay Nabadda, Nabad-galyada iyo xasiloonida Yemen.

Ehellada dadka Somaalida ah ee lagu dilay Yemen oo horay ula hadlay Goobjoog News waxaa ay dowladda Soomaaliya ka codsadeen iney sheegaan cidda dishay caruurtooda.

Goobjoog News waxaa ay xiriir la sameysay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad si uu arrintaas uga hadlo, sheegana cidda ay dowladda ku tuhmeyso dilka dadkaas, Garaad arrinkaas waa uu diiday in uu ka hadlo.

Warbixintan Qaramada Midoobey kadib, Dowladda Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa in ay ka hadasho dilka foosha xun ee Sacuudiga iyo xulafadiisa u geysteen Soomaali qaxooti ah, isla markaana laga soo qaado magdhaw iyo raalligelin.

Goobjoog News