U bood dhigaalka

Roob Lagu Diirsaday Oo Ka Da’aya Muqdisho

Sheeko:Dalka

Roob ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa saakay ka da’aya magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobollada dalka.

Roobkan oo bilowday abaare salaaddii subax ee saakay ayaa si aan kala joogsi lahayn uga da’aya magaalada, waxaana uu biyo dhigey waddooyin badan oo Muqdisho ah.

Xarumaha ganacsiga qaar ayaan weli si buuxda loo furin, maadaama roobka uu hakad geliyey dadkii suuqyada kasoo adeegan lahaa.

Sidoo kale waxaa aad u yar gaadiidka dadweynaha oo aan u socon sida maalmihii caadiga ahaa, iyadoo roobkan uu la socdo qabow.

Dhanka kale, roobkan ayaa saameeyay dadka barakacayaasha ah, maadaama aysan haysan meel ay kaga gambadaan dhibicda roobka.

Goobjoog News