U bood dhigaalka

Roobka Gu’a Oo Ka Curtay Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe, waxaa gelinkii dambe ee shalay illaa iyo habeenkii xalay ahaa ka da’ay roob ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada, xilli gobolkaasi ay ka jirto abaar saameyn badan reebtay.

Deegaannada dhinaca galbeed kaga beegana degmada Jowhar, degmada Mahadaay iyo deegaanno hoosta ayaa waxaa ka da’ay roobkani oo ah Gu’a.

Roobakan ayaa sababay in gaadiidkii isticmaalayey wadada marta dhinaca galbeed ee Jowhar aysan halkaasi marin kadib rooba oo meelaha qaar biyo aad u badan dhigay.

Dhinaca kale Xaaji Saalax Fulaan, guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka degmada Mahadaay oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in lagu diirsaday roobkan.

Waxa uu sheegay in waxa ugu horreeya ee dadku heleen ay tahay in dhulkii uu qaboobay, biyana ay heleen, balse xaaladihii kale ee abaarta ay taagan tahay.

Guud ahaan gobollada dalka waxaa laga oogay salad roob doon ah, maadaama dalka ay saameysay abaar, ayna jiraan dad iyo duunyo u dhintay abaartaaso.

Goobjoog News