U bood dhigaalka

Roobow Oo Saxaafadda La Hadlay, Caddeeyayna Mowqifkiisa (Akhriso)

Sheeko:Dalka

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo Labo cisho kahor isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow wuxuu saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho.

Mukhtaar ayaa sheegay in uu ka baxay fikirka Al-shabaab, islamarkaana fikirkaasi uu ka tanaasulay 5 sano iyo 7 bil  kahor.

Abuu Mansuur ayaa u mahadceliyey dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale beesha caalamka oo uu sheegay in dedaal badan ay sameeyaan, kuna aadan inuu is soo dhiibo.

Sidoo kale Abuu Mansuur ayaa sheegay in wadahadal ay u socdaan isaga iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna rajo ka muujiyey in is faham uu ku dhammaado wadahadalkaasi.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka:

Goobjoog News

ROOBOW SAX