U bood dhigaalka

Rugta Ganacsiga: Waxaan Ka Tirsannahay Bulshada Rayidka Ah (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa sheegtay in wasaarada ganacsiga ee xukuumadda Soomaaliya aanay xaq u lahayn in xil ka qaaddo, maadaama ay iyagu ka tirsan yihiin bulshada rayidka.

Agaasimaha guud ee Rugta Ganacsiga Cabdi Abshir Dhoore oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay soo doorteen rugtooda bulshada rayidka ah, xilkana ay iyaga un ka qaadi karaan.

Kaliya dowladda ayuu sheegay in ay xaq u lahayd iney la socoto howlaha rugta sida doorashada si loo helo wada shaqeyn wanaagsan.

Dhoore ayaa sheegay in rugtooda ay hadda ku fekereysay iney dhisaan waddooyin aad u muhiim ah, kana shaqeeyaan howlo badan oo dalka ah.

Isniintii shalay, wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo  Warshadaha ayaa shaqo-joojin lagu sameeyay  Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News