U bood dhigaalka

Ruushka Oo Ceyrinaya 755 Diblomaasiyiin Mareykanka Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Ruushka Fladamir Putin ayaa sheegay in 755 diblomaasiyiin ah oo u dhalatay Mareykanka ay iskaga baxayaan dalkiisa isaga oo arrintaas ku sheegay in ay jawaab u tahay cunno qabateynta uu mareykanka saaray Ruushka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa dotobaadkii hore sheegtay  in tirada ka shaqeysa safaaradda iyo qunsiliyadda uu Mareykanka ku leeyahay Ruushka la dhimi doono, iyada oo wasaaradda sheegtay tirade diblomaasiyiinta laga dhigayo 455, taasi oo la eg tirade diblomaasiyiinta ah ee u dhalatay Ruushka oo ka shaqeysa Mareykanka.

Madaxweyne Putin oo wareysi siinayay Telefishinka Ruushka  ayaa yiri” in ka badan kun qof ayaa shaqeysa hadana way shaqeeyaan iyaga oo ah ergo iyo diblomaasiyiin Mareykan kuwaas oo ka shaqeeya Ruushka .,”  waxaa uu intaas ku daray in 755 la joojiyay shaqooyinkii ay ka wadeen Ruushka”.

Putin ayaa waxaa uu rajo ka muujiay in mardhow uu wanaagsanaado xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka

Goobjoog News