U bood dhigaalka

Ruushka Oo Xoojinaya Difaaca Syria

Sheeko:Dalka

Ruushka ayaa ballan qaaday inuu xoojin doono difaaca Syria, ka dib markii Maraykanka uu gantaallo uu ku duqeeyay saldhig milatari oo u dhow magaalda Ximsa, taasi oo wararka ay sheegayaan in uu ahaan saldhiggii uu burburay.

Maraykanka ayaa sheegay inuu gantaallo uu ku weeraray  saldhig milatari oo ku yaallo Syria,isagoo sheegay inuu weeraekaan uu jawaab u ahaa weerarkii hubka Chemicalka ahaa ee lagu weeraray magaaada Khan Shaykhun eek u tallo waqooyi galbeed ee magaalada Idlib,weerarka chemicaalka loo adeegsaday ayuu waxa uu keenay dhimasho badan oo soo gaartay dadka shacabka ah.

Weerarka uu Maraykanka uu ka geestay Syria ayaa ah hawlgalkii millatari oo toos ah, kaasi oo ka dhan ah dowladda Sriya oo uu hogaamiyo madaxweyne Bishaar Al-asad,weerarkaas ayaa waxa uu keenay dhimashada 6 qof.

Wasaaradda gaashaadhigga Maraykanka ayaa waxa ay sheegtay in 59 gantaal ee nooca loo yaqaano Toomook ay ku garaaceen saldhigga ku yallo Syria,iyadoo wasaaradda ay tilmaantay n duqeyntaas uu amar uu ku bixiyay madaxweyne Donald Trump.

Jaamac Shidane

Goobjoog News