Rwanda oo Kasoo Kabsatay Xasuuqii iyo Dagaaladii Sokeeye

IMG_6195Maalmahan waxaa magaalada Kigali ee dalkaa Rwanda ka socda shirweyne ay isugu tageen illaa 100 qurba-joogta Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka arrinsanayaa kaalintii ay ka qaadan lahaayeen dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa siyaasad cad oo ay ku wajahaan arrintaasi, iyada oo ay hormuud ka tahay wasaaradda arrimaha dibada ee Soomaaliya.

Mid ka mid ah sababaha shirkani loogu qabtay Kigali ayaa waxaa lagu sheegey in dalka Rwanda uu yahay dal Soomaalida cashar wanaagsan ka qaadan karaan wixii ka dhacay iyo sida uu uga gudbey dhibaatadii soo martay.

Xitaa hoteelka uu shirka ka dhacayo waa mid kutalogal ku dhacday oo ku salaysan ujeedada kore ee aaan soo sheegey, ka qeybgalayaasha shirka waxa ay degenyihiin, shirkana ka dhacayaa Hotel Des Mille Collines oo ku yaala Kigali.

Kani waa hotel caan baxay sanadii 1994-tii markii dalkaa Rwanda uu dhacayay xasuuqii lagu xasuuqey halka malyuun ee qof, xiligaasi oo kun iyo labo boqol oo qof oo naftooda la baxsanaya oo ka tirsan qowmiyadda Tutsiga ay magan galeen hoteelkani.

Maamulihii hoteelka oo lagu magacaabi Paul Rusesanbagina ayaa jabhaddii Interrahamwe ee qabiilka Hutuga ee xasuuqa geysatay siin jirey lacag iyo qamri si aysan u leynin dadkii soo magangalay hoteelkiisa, waxaana sheekadani laga sameeyey filim caan baxay oo lagu magacaabo Hotel Rwanda.

Maanta waxaa daraasado iyo xogo la xiriira horumarka ay gaartey Rwanda madasha shirka kasoo baandhigey saraakiil sarsare oo ka socdey wasaaraddo kala duwan, waxaana ka mid ahaa wasaaraddaa maaliyadda taasi oo sheegtey in dhaqaalaha dalkani uu kordhey wax ka badan kala bar.

Warbixin uu soo saaray bangiga adduunka ayaa waxa ay muujineysaa dalka 7aad ee adduunka ee xagga korordha dhaqaalaha ugu badan.

Maadaamaa dhaqaalaha intiisa badan uu ku tiirsanyahay xagga beeraha, dowladda waxaa u degsan hiigsi sanadka 2020-ka, kaasi oo dhinacyo badan isbadalo looga samaynayo, sida warshadaha iyo ganacsiyada ku dhisan adeegyada, tusaale ahaan sanadka 2018-ka waxaa la qorsheynayaa in la dhiso qadka tareenka ee ugu dheereeya Afrika ee xagga xamuulka, kaasi oo isku xiri doono Kigali iyo Mombasa oo Kenya ah halkaasi oo aay badeecooyinka uga soo dagaan. Tani waxaa looga gol leeyahay in ganacsiga dhoofka iyo soodajinta sare loogu qaado.

Sida ay sharaxeen saraakiisha dowladda, waxaa Rwanda kaa hirgalay qorshe lagu dhiirogalinayo maalgashiga dadka ajaaniibta ah, iyada oo la fududeeyey wax kasta oo suurogalinaya maalgashi, sida shatiyada ganacsiga, canshuuraha, iyo waliba sharciga degenaanshaha.

Waxaa si weyn loola dagaalamay musuqmaasuqa nooc kasta oo uu yahay, iyada oo ay jiraan maxkamado iyo nidaamyo qeexan oo musuqa lagula dagaalamo.

Rwanda ma ahan dal ku tiirsan gargaarka, “Wixii ka horeeyey 1994tii, miisaaniyadda Rwanda waxa uu ku tiisanaa gargaarka boqolkiiba %80, hadda waa boqolkiiba %40 oo kaliya, taasi oo micnaheedu yahay wax kaa badan kala bar miisaaniyadda in ay kaa timaado gudaha dalka” ayuu yiri sargaal u hadlay dowladda Rwanda.

Xagga dib u heshiisiinta, beelihii dagaalamay waa kuwa si nabad ah isugu barbar nool, islamarkaasina si siman ay ugu wada ageeyaan qarankooda.

Ka qeybgalayaasha shirka ayaa maanta booqan doona madxafyo iyo goobo taariikhi ah oo ay taalo xusuustii xasuuqa 1994-tii, iyaga oo sidoo kale indhahooda kusoo arki doona sida dadka u heshiiyeen iyo nolosha wanaagsan ee dadka reer Rwanda ay ku naaloonayaan maanta.

Waxaa laga rajo qabaa in casharada ay halkan ka bartaan in ay kula laabtaan jaaliyadihii ay ka yimaadeen, sidoo kalana ku dabaqaan waxqabadkooda Soomaaliya.

Goobjoog News