U bood dhigaalka

Saacad La Soconeyso  Xaaladaha Bukaanka

Koox cilmi-baarayaal ah ayaa waxaa ay soo saareen saacad Smart ah,  taasi oo kormeereysa xaaladda qofka bukaanka ah maalintii oo dhan, taasi oo lagu tilmaami karo hab cusub oo lagula soconayo xaaladaha degdegga ah ee caafimaad.

Saacaddan  ayaa sidoo kale waxay u sameyneysaa qofka bukaanka ah inay ugu yeerto si dhaqso ah gawaarida Ambalaasta ah.

Saacadda waxaa gudaheeda ku jira qalab dareemo leh oo ku shaqeynayo koronto, waxaa uuna la soconayaa shaqada uu qabanayo wadanaha, garaaca wadnaha, heerka uu marayo Oxgenka iyo heer kulka.

Mid ka mida cilmi-baarayaasha soo saaray saacaddaan oo u dhashay dalka Filand ayaa sheegay in arrintaani ay tahay nidaam looga hortagyo cudurada marka ay soo muuqdaan calaamadahooda.

Tom Horvat oo ka mida Engineerada soo-saaray sacaddaan Smartiga ah ayaa tilmaamay in ay awood u leedahay sacaddaan inay soo aruuriso macluumad badan oo ku saabsan dhanka Sataliteka ah.

Waxaa uu intaasi ku daray marka kasta oo dheeraado waqiga uu xiranyahay saacaddaan qofka bukaanka ah, waxay si dabiici ah ay ula soconaysaa sida dhaqtarka oo kale bukaanka,iyada oo marnaba aan ka soo gudbineynin bukaanka digniino been ah oo ku saabsan in halis ay ku jirto xaaladda bukaanka.