U bood dhigaalka

Saacad Smarts ah oo Loo Qaabeeyay Habka Dareenka Kibilliga Si loo Caawiyo Dadka Indhoolayaasha ah

Professor ka tirsan jaamacadda “Wake Forest” oo kaashana qaar ka mid ah ardaydiisa ayaa waxay hor-u-marin ku sameeyeen saacad Smarts ah oo loo qaabeeyay habka kibilliga(feedmeerta) ay habeenkii wax u arkaan xilliga habeenkii.

Mashruucan ayay ka shaqeynayeen muddo sanad ah si ay u garab siiyaan dadka uu aragu daciifka ka yahay iyo kuwa aan waxba arkin.

Saacaddan ayaa loo bixiyay magaca “HELP“, fikradeedada waxaa laga soo dheehday cilmibaaris uu sameeyay professor William Conner oo cilmiga biology-ga aad loogu yaqaanno iyadoo cilmibaaristiisu ka hadleysay awoodda ay leedahay “Bats“.

Jacques Janis oo ah caalim dhanka computer-ka ku takhasusay oo daraasaddan ka qeybqaatay ayaa yiri, hadafka saacaddan laga leeyahay ayaa ah, in la helo waddo sahlan oo hor-u-marsan oo qofka indhoolaha ah ka garabsiineysa inuu si sahlan ugu socdo waddooyinka.

Wakhti dhawo ayaa waxaa lagu guuleystay in la sameeyo saacadda si rasmi ahna suuqyada loogu soo geliyo iyadoo la wadata Arduino Lilypad oo ah  qalab dareen sarreeya oo casri ah oo masaafada lagu qiyaaso qofkana u sheegaya waxa ugu dhow ee kusoo horgudban si uu uga leexdo.