U bood dhigaalka

Saacadda Big Ben oo Muddo 158 Sano ah Kadib Aan Codkeeda Laga Maqleyn Magaalada London

Sheeko:War

Dadka booqda caasimadda Ingriiska ee London uma suurtogaleyso iney maqlaan codka saacadda ‘Big Ben’ ee bilowga saacad kasta dhawaaqeeda ay magaaladaasi caanka ku ahayd.

Saacaddan ayaa muddo 3 sano ah dhawaaqeeda la joojiyay markii ugu horreeysay muddo dhan 158 sano oo aaney marna is taagin; waxaa hadda loo joojiyay sababo dayactir ah oo lagu sameynayo saacadda awgeed, waana sida aan ka sooxiganney BBC News.

Big Ben waa saacadda ugu caansan dunida uguna tayo wanaagsan, waxayna ka mid tahay goobaha ugu caansan ee loo dalxiis tago magaalada London.

Sanadkii hore, ayaa baarlamaanka Ingiriisku ay go’aamiyeen in saacadda la joojiyo dhawaaqeeda 2017; si loogu sameeyo dayactir lagama maarmaan ah oo ay u baahan tahay, dayactirka saacaddan waxaa ku baxaya lacag dhan 29 milyan oo giniga Ingiriiska ah una dhigma 42.4 milyan oo dolar.

Saacaddan ayaa ganbaleylkeedu aanuu istaagin muddo 158 sano ah, xitaa xilligii dagaalkii Labaad ee dunida iyo duqeymihii diyaaradaha Jarmalka ee dhismaha ay ku taallo ee baarlamaanka kumey istaagin, saacad kastana ganbaleylkeedu si habsami leh ayaa loo maqlayay magaalada mudadaa aadka u dheer.

Dayactirkan lagu sameynayo saacadda Big Ben waxa uu saameynayaa rinjiga saacadda oo gabi ahaanba la bedelayo, hadda waa rinji madow uu midabka dambiga ah uu ku jiro, waxaa laga dhigayaa midab cagaar dahabi ah oo ah midabkii markii ugu horreysay saacadda lagu naqshadeeyay.

Waxaa jira cabsi laga muujinayo habsamida shaqo ee saacadda iney wax u dhimaan howlaha dayactirka ah ee lagu sameynayo, maadaama hadda saacaddani ay tahay saacadda ugu tayada wanaagsan dunida ee aan ka dib dhicin xilligeeda.

Goobjoog News