U bood dhigaalka

Sababaha Cimri Degdegga U Keenta Dadka Qaar oo La Ogaaday

Sheeko:Caafimaadka

Khubaro dhanka cilmiga Sayniska ah oo ku takhasusay cilmiga  Hidde-sidaha ee ‘Genetic-ka’  una dhashay dalka Mareykanka ayaa sheegay iney jiraan dad gaboowgu u soo degdego si ka dhaqso badaban dadka asaagooda ah, iyagoo waliba dadkaasi qaab caafimaad oo wanaagsan u nool,  jirkooduna uu dhisan yahay, wax cudur ah oo khatar ahna aan qabin.

Culumadan seynisyahanada ah ee cilmi baarista sameysay ayaa sheegay iney ogaadeen dad 5% ah oo ka mid ah dad ay cilmi baaris ku sameeyeen oo asaagooda ka hor duqooba. Waxay cilmi baaris xoog leh ku sameeyaan dadkaas iyo sababaha cimri degdegga u keentay, waxayna ogaadeen iney tahay “DNA, RNA jirka dadkaas oo Oxygenku ku yaryahay”, taas oo u keenta cillad dhanka unugyada jirka ah oo sii siyaadda gaartana illaa heer khatar ah oo ay geeri ku keenta 50%  marka loo eego xaaladaha caadiga ah.

Culumada seynisyahannada ah ayaa waxay sheegayaan in daraasadani ay sahleyso in la fahmo sababta dadka qaar uu cimri degdegga u keenta iyagoo noloshooda caafimaad iyo cuntadooduba ay hagaagsan tahay.

Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay in dadka dunida ku nool ee cumrigoodu ka sarreeyo 65sano ay ka badan doonaan markii ugu horreysay caruurta da’doodu ka yartahay 5 sano marka la gaaro sanadka 2017, waana markii ugu horreysay ee taariikhda, sidaas oo kale ururku waxa uu saadaaliyay in dadka cumrigoodu ka badan yahay 65 ay kordhi doonaa 11%-20% marka la gaaro sanadka 2050.

Goobjoog News