U bood dhigaalka

Sacuudiga Oo Dadka Lacago Lagu-siin-doono Kororka Qiimaha Maciishadda

Sheeko:Dalka

Boqorka Sacuudiga Salmaan Binu Cabdi Caziiz ayaa soo saaray tiro amarro ah kuwaasi oo shaqaalaha dowladda iyo ciidamada  lagu siinayo badalaad lacageed ka dib markii ay sare u kacday maciishadda.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Sacuudiga boqorka waxaa uu amray in la siiyo kun Riyaal bil walba oo muddo sanad ah shaqaalaha rayidka iyo ciidamada taasi oo ay badal u qaadan doonaan sare u kaca ku yimid owgiis.

Sidoo kale boqorka ayaa amray in 5 kun oo Riyaal la siiyo ciidamada ku sugan aagagga hore ee dagaalka gaar ahaan koofurta dalka oo ah xaduudka kala qeybiya Yeman iyo Sacuudiga.

Amarada uu soo saaray boqorka ayaa waxaa sidoo kale lagu qeexay in la siiyo dadka da’ada ah oo aan shaqeynin lacag dhan 500 oo Riyaal kuwaasi oo ay siin doonto mu’asasada qaabilsan arrimaha bulshada iyo da’da.

Amarada uu soo saaray boqorka ayaa waxay cadeynayaan sidoo kale:.

  • In ardeyda wiilasha iyo gabdhah badal ahaan loo siiy lacag dhan 10% muddo sanad ah.
  • Dowladda ayaa waxay qaadan doontaa mas’uuliyadda kororka qiimaha canshuuraha ee muwaadiniinta ka faa’ideysta adeegyada caafimaadka gaarka ah iyo waxbarashada gaarka ah.
  • Dowladda ayaa waxay qaadan doontaa qiimaha kororka canshuura wax aan dhaafsiisneyn 850.000 oo Riyaal kaasi oo ah gadista guryaha.

Amaradaan ayaa waxay imaanayaan xilli uu hogaaminayo dhaxal sugaha boqorka Maxamed Binu Salmaan tallaabooyin lagu hagaajinayo dhaqaalaha iyo in meesha laga saaro in dalka uu ku tiirsanaado kaliya shidaalka.

Goobjoog News