U bood dhigaalka

Sacuudiga Oo Diyaarad Gaar Ah Magaalada Muqdisho Uga Qaadey Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u amba baxay dalka Boqortooyada Sucuudiga.

Safar shaqo oo qaadanaaya muddo labo maalmood ah ayaa Madaxweynaha iyo wafidigiisu ay ku tagaayaan dalkaas, halkaas oo kulamo ay la qaadan doonaan Boqorka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdi Casiis iyo dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Binu Salmaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey safarka Madaxweynaha, waxa uuna sheegay in safarkan shaqo ee madaxweynaha uu dabo socdo safarradii hore ee u ku tagay dalkaas kuwaas oo lagu xoojinayey dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxweynaha xubno uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar.

Safarka uu madaxweyne Farmaaajo ku aaday Sacuudiga ayaa imaanaya xilli maamul goboleedyada dalka qaar ay taageereen xulufada Sacuudiga, kana horyimaadeen go’aankii dowladda Federaalka ee dhex dhexaadnimada xiisadda Khaliijka.