U bood dhigaalka

Saddex Caalim oo Mareykan ah oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Nobel Prize-ka Caafimaadka 2017

Sheeko:Caafimaadka

Jamciyadda maamusha abaalmarinta Nobel Prize ayaa ku dhawaaqday guusha culumada Michael W. YoungMichael Rosbash iyo Jeffrey C. Hall, oo ku guuleystay Nobel-ka caafimaadka ee sanadkan 2017, waxay soo hindiseen waxyaabo yaryar oo saameyn ku leh saacadda biological-ka aadanaha.

Jamciyadda Nobel ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay “Daahragga culumadin waxa uu fasirayaa sida aadanaha, dhirta iyo xayawaanku ula jaanqaadaan biological ahaan wareegga dhulka”.

Qiimaha abaalmarinta ay heleen culumadan-Saynisyahannada ah ayaa gaareysa illaa 9 million oo Karoon oo u dhiganta ($1.1 milyan oo dollar).

Abaalmarinta Nobel-ka caafimaadku waa tan Koowaad ee abaalmarinada Nobel-ka ee la bixiyo sanadka.

Ugu dambeyn, Abaalmarinta Nobel Prize ayaa la bixinayay laga soo bilaabo sanadkii 1901, waxaana lagu bixinayay Sayniska, Suugaanka, Nabadda, amarka abaalmarinta lagu bixinayo waxaa ka dardaarmay  Alfred Nobel oo ahaa qofkii soo ikhtiraacay Dynamite-ka.

Goobjoog News