U bood dhigaalka

Saddex Qof Oo Gaajo Ugu Geeriyootey Qansaxdheere, Baay

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa sheegay in heerka abaarta degmadaasi ay gaartay in dadka ay u geeriyoodaan gaajo iyo harraad.

Guddoomiyaha degmadaasi Aadan Cabdi Qooqane oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in illaa Saddex ruux ay degmadaasi ugu dhimatay gaajo iyo harraad.

Waxa uu sheegay in degmada oo dhan ay hadda biyaha ka cabaan Hal ceel islamarkaana uusan ku filnayn qoysaska ku nool halkaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qoysaska ku nool degmada aysan haysan raashin iyo biyo taasna ay sababtay inay dadka u dhintaan baahi.

“Saddex qof ayaa degmada ugu dhimatay gaajo darteed, dadku abaarta ayaa saameysay, ma haystaan wax ay cunaan ama ay cabaan, haddii dadkaan aan gurmad loo fidin xaaladdu wey kasii dari kartaa, midda kale Hal ceel oo kaliya ayaa degmada ku yaalla, dadkuna ma kaafiyo” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn, guddoomiye Aadan Cabdi ayaa ugu baaqay maamulka K/galbeed, hay’adaha Samofalka ah iyo sidoo kale dowladda Federaalka iney kaalin ka qaataan wax ka qabashada xaaladda ka jirta degmadaasi.

Goobjoog News